Shirkii Noor foundation North America oo Minneapolis ka dhacay 19-12-2012

Waxaa xalay oo bishu ahayd  12/29/12  kadhacay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka shir  loogu ururinaayo deeq lacageed hay’adda samafalka ee Noor Foundation Somalia, kaas oo ay ka soo qayb galeen dad aad ubadan oo ka kalayimid gobolada Maraykanka.

Waxaa looga hadlay shirka sidii loo horumarin lahaa Noor Foundation Somalia,  dhaqaalena loogu raadin lahaa si aan u horumarino dadkeena iyo caruurteena una hirgelino waxbarasho heer sare ah. In la helo biyo nadiif ah iyo caafimaad guud oo dadku ka wada faa’iideysto.

Waxa shirka dadkii ka hadlay ka mid ahaa, Pro. Xuseen Garabyare oo ah masuul caan ka ah Soomaalida dhexdeeda ee Minneapolis, hadana doonaya inuu noqdo duqa magaalada  Minneapolis. Waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Muuse Xaaji Abees, Maxamed Siibad, Barkhad Timir iyo dadkale oo aad muhiim u ah bulshada dhexdeeda.

Maxamed Siibad oo dhowaan kayimid wadankii ayaa ka hadlay heerka waxbarasho ee dalka, baahiya ka jira, iyo sida ugu wanaagsan ee lagu hormarin karo waxbarashada dalkeena hooyo.

Kadib markii uu shirku gabogabada ku dhawaa waxaa  dad kii isugu yimid shirkan kheyrigaa ay balan qaadeen lacag gaareysa $16,000  oo doolar, taas oo loogu deeqayo NF Somalia.

Waxaa mahad gaara iskaleh ilaahay noo fududeeyey in shirkaasi qabsoomo , waxaa kaloo mahad  gaara leh qaban qaabiyaashii shirkan oo habeeyey in shirkaani dhaco, waxayna kala ahaayeen.

1. Libaan CabduLaahi Beeldaaje

2. Faysal Mohamed Cartan

3. Ismaciil Mire X saciid

4. Fadumo Cali Kuuke

5. Faadumo Fitishaari

                  
Waxaan rajaynaynaa shirka danbe inuu noqdo mid aad u baxad weyn hadii ilaahay idmo iyo inaan helno meel wayn oo dad ku isugu yimaadaan,

 

Faysal Maxamed Cartan

 daawo sawirada: 

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.