Gabay loo tirshay dhalinta waxbarashada ee Noor foundation halkan kaga bogo.

Gabaygaan Qiimaha leh waxaa noo curisay Ruqiyo Maxamed Subagdhame oo joogta magaalada London kana mid ah howl wadeenada Noor foundation ee UK. Waxaan filayaa wiil iyo gabar iyo macalin iyo howl wadeenba inay dareemayaan dareenka Ruqiyo halkan ku cabirayso aana rajeynayo in qof kasta oo naga mida uu howsha halkaas kasii wado.

Guul iyo horumar.

Gabayga waakan ee ka bogo:

Derejaale wiilkii

moddo diiftu haysee

deegaan mugdiya iyo

darayada ku jirayoow

 

mar hadii dadkaagii

ka damqaday xanuunkoo

dugsiyadi laguu furay

aan kula dardaarmee

 

waa daw iftiin loo

diihaalka gaajiyo

cudurada dilaagiyo

dulli kaa fogeeyoo

adigiyo dadkaaguba

deegaan barwaaqiyo

lagu gaaro derejee

ka dadaal waxbarashada

 

markaagaad danjire

iyo daadaheeye noqonoo

dhisi degeladeenoo

daaraha bakiin iyo

waddooyin is dul mara iyo

dalsan aad ka yeeliye

damacaaga kor u qaad

 

wixi shalay dib kuu galay

dugsi maleh degmadayadu

danyar weeye reeruhu

diinaar ma bixin karo

dar xumooyinkii hore

waa laga dawooboo

diricyaasha nuur baa[waa noor foundation]

dacalkaaga joogoo

illaa aad digrii iyo

derejooyin gaadhay

damiin kaa ahaanine

dib ha eegin wixi hore

 

damiirkaagana u sheeg

inaad wiilal dooroo

dulli kaa ilaashoo

jahli kaala diriroo

kaa daalin leedahay

kaa daalin leedahay..

 

Tixdii: Ruqiyo Maxamed Subagdhame

 

This entry was posted in Featured, News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.