Waxaa maalintii bishu ahayd 19ka Abriil 2014 qabsoomay shirkii hay’adda kheyrigaa ee Noor foundation UK. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dad fara badan oo ka mid ah jaaliyada Noor foundation UK oo kakala yimi degmooyin kala duwan sida qaybaha ay ka kooban tahay London, Liecster oo ah magaalo ka fog London iyo magaalooyin kaleba.
Shirka oo ahaa shirkii shanaad ee ay qabato hay’addu ayaa waxaa ka hadlay dad kala duwan oo ka mid ah bulshada UK ee hay’adda taageera oo ay ka mid yihiin, Dr. Maxamed Beeldaaji C/laahi, C/xakiin Jaamac Jooje, Shiekh Ismaaciil C/laahi, Oday Saciid Axmed iyo dad kale oo akhyaar ah, rag iyo dumar.
Shirka waxaa kaloo lagu soo bandhigay taariikh kooban oo ka hadlaysa Noor Foundation iyo halka ay ka timi iyo meesha ay maanta marayso, taas oo uu soo jeediyey gudoomiyaha Noor Foundation UK Siyaad Cali Yuusuf.
Gudoomiyaha waxa uu xasuusiyey ka soo qayb galayaasha shan sano ka hor meesha xaalku marayey iyo meesha maanta ay marayso. Waxaana cadaatay oo laysla gartay in wax wada qabsi iyo is taakulayn horumarka lagu gaaro. Noor foundation maanta waxay gacanta ku haysaa 4 iskuul oo ay dhigtaan arday ka badan 1,200 oo arday, ayna ku jiraan dugsi sare.
Noor Foundation UK waxay kaloo soo bandhigtay muuqaalo filim ah oo dadka aad uga wada heleen markay daawadeen, waxay kaloo soo bandhigtay kharashka iyo taakulada loo baahan yahay sanadkasta. Waxaa dhinaca dhaqaalaha Noor foundation UK si fiican uga hadlay Eng. C/risaaq Beeldaaje C/laahi oo u soo bandhigay dadweynaha habka dhaqaale ee NF UK iyo guud ahaan NF Soomaaliya.
Waxaa shirka sidoo kale laga akhriyey gabay qiima badan oo ay tirisay Ruqiyo Subagdhame oo ka hadlayey sida waxbarashada iyo howsha Noor foundation ay kor ugu qaaday hamiga dadweynaha deegaana Noor Foundation ka shaqeyso. Waxaa gabayga akhriyey Cabaase Saciid Axmed.
Waxaa shirka daadihinayey oo si fiican u waday iskudubaridaha NF UK Saciid Cismaan Dheere, waxaa sidoo kale shirka joogay TVga caalamigaa ee SomSat oo ka duubay shirka barnaamij soona deyn doona dhawaan asaga oo dhamaystiran, wararkooda way kusoo qaateen halkan ka daawo: <iframe width=”560″ height=”315″ src=”//www.youtube.com/embed/7hnhmpp09zw” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>
Dhamaadkii shirka waxaa kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo dadka oo aad ugu riyaaqay shaqada NF.
Waxaan rajeynaynaa in qofkasta meelkasta oo uu joogo NF howsheeda dhinaciisa ka wado.
wabilaahi towfiiq.
Noor foundation UK.
daawo sawirad: