Dhamaan asxaabta NF Somalia iyo dadka kheyrka jecelba waxaan idinla socodsiinayaa in shirkii kheyriga ahaa ee Noor Foundation Somalia uu noo qabsoomay shalay oo taariikhdu ahayd 23-03-2013 xaafada Acton ee magaalada London. Alle mahadii waxaa dhacday in xoogaa cimilada oo isbedel aan hore loo saadaalin ku yimi ay dad badan oo ka soo qayb geli lahaa oo aan casunay aysan u suurto galin, khaasatan dadka ka iman lahaa magaalooyinka Leicester iyo Birmingham iyo gobolada kale ee dalka UK.
Waxaa shirka nagala soo qayb galay kheyr iyo jiso Alla ha siiyo hana xafido Sh. Maxamed Idiris oo si wanaagsan dadkii ugu dhiiri geliyey wax wada qabsiga iyo isku tashiga una sheegay inay wadadii fiicnayd Noor Foundation hayso, kuna booriyey dadka inay ka qayb qaataan arimaha kheyrigaa ee NF wado.
Waxaa kaloo nagala soo qayb galay dadkana dhiiri geliyey Sh. Axmed Cabdi iyo Shiikh Ismaaciil. Gabdho badan oo si weyn runtii aan uga xusi karo Ruqiyo Maxamed Subagdhame oo shaqo wanaagsan qabatay soona diyaarisay qado wanaagsan oo ka soo qayb galayaasha aad uga heleen. Hibaaq Maxamed Subagdhame ayaa iyana howsha wax weyn ka qabatay abaabulka iyo diyaarinta, waxaa sidoo kale nagala soo qayb galay oo dadka dhiiri geliyey Maxamed Shire Faarax oo muddo dheer deganaa dalka Ingiriiska qiimaha waxbarashadana ka hadlay.
Waxaa kaloo ka hadlay shirka Salaado Bootaan oo dhiiri gelin ka jeedisay shirka, Faadumo Muuse Xaaji Faarax oo si fiican iyana uga hadashay muhiimada ay leedahay in dhamaan laga wada shaqeeyo horumarinta iyo wax u qabashada dadka iyo dalkeena aadna loogu riyaaqay sidii wacnayd ee ay hadalka qiimaha leh u soo jeedisay. Waxaa kaloo asna hadalo dhiiri gelin ah ka soo jeediyey shirka Cabdikariim Maxamed Xaaji Cumar oo ka hadlay muhiimada shaqada Noor Foundation ay hayso. Waxaa kaloo iyana shirka joogay gabdho fara badan iyo rag intaba.
Shirka waxaan ku soo bandhignay waxqabadkii NF ee sanadkii 2012-13 iyo howlaha ururka horyaal sanadka 2013-14 ee soo socda. Dadkii ka soo qayb galay aad ayey u qancisay warbixinihii iyo tusmooyinkii aan u soo bandhignay waxayna balan qaadeen inay NF si fiican ula shaqeynayaan.
Sida aan hore u go’aan sanay waxaan door bidnay in nidaamkii hore ee ahaa qofka in la yiraahdo maxaad bixinaysaa ama intaa bixi iyo qaabkii hore aan wax ka bedelno. Sidaa awgeed waxaan dadkii u soo bandhignay inay ka qayb qaataan lacagta joogtada ah ee hay’adu u baahan tahay si ay howlaheeda u sii wado una gaarto yoolkeeda ah inaan ilmo deegaanka uusan noqon wabarasho la’aan. Waxaan dadka u soo bandhignay inay sanadkii bixiyaan qof walba £ 240 ama £120 taas oo dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflada ay wada qaateen ayna balan qaadeen inay bixinayaan lacagta joogtada ah. Halkan ka degso hadaad joogto UK Standing order form ka oo soo buuxi:
Sidaa awgeed waxaan u sheegaynaa dadkii aan shirka ka soo qayb galin inay iyana sidaas oo kale ay balan qaadaan inay bixiyaan lacagtaas kooban oo ay ugu tabarucaan NF iyo howlaha kheyrigaa ay wado.
Waxaan kaloo u sheegnay dadka in Noor Foundation howsheeda aysan fari ka qodnayn oo NF doonayso inay dhamaan deegaankeena tuulo iyo magaala kastaba aan gaar siin doono waxbarashada idanka Alle, ayna muhiim tahay in taas qof walba niyada ku hayo.
Waxaan kaloo dadka u sheegnay in NF ay doonayso in ardayda gaartay secondary ay halkooda waxbarashada secondary ku qaadanayaan oo aan banaanka lagu tuurayn ama meel kale aan loo dirayn, taas oo ka soo qayb galayaasha dhamaan ay u riyaaqeen.
Ugu danbeynn waxaan u mahadnaqayaa dhamaan gudiga Noor Foundation Somalia ee UK oo ay ka midyihiin madaalayaasha Eng. Cabdirisaaq Xaaji C/laahi, Eng. Abshir Saciid Axmed iyo Saciid Cismaan Dheere iyo guud ahaan dhamaan gudiga dhexe ee Noor Foundation Somalia iyo cid kasta oo NF howlaheeda kheyrigaa ka qayb qaadata.
Guul iyo Horumar ayaa balan noo ah.
Sawirada halkan ka daawo
Siyad Cali Yuusuf
Noor Foundation UK
Chairman.